(Muqdisho) 30 Sebt 2018 – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo khudbad ka jeediyay shirka golaha guud ee qaramada Midoobay kaasoo ka socda Magaaladda New York ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu hormar la taaban karo ka sameeyey dhinacyada Siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya hadda aad ugu mashquulsan tahay la tacaaladi kooxaha xagjirka ah kuwaas oo uu sheegay in hadda aysan haysan wax taageero ah marka laga hadlayo dhalinyarada iyo haweenka.
Wasiirka ayaa ka carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyadoo kaashanaysa saaxibadda caalamka, dhalinyarada gudaha, haweenka, odoyaasha, ururada bulshada rayidka iyo hoggaamiyaasha diinta ay burburisay shabakado badan oo ay argagixisadu lahayd sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in hadda kooxaha Al-qaacida iyo xagjiriinta kale aysan awood u lahayn inay helaan taageero gudaha ah iyo sidoo kale dad ay tababaraan.
Sidoo kale waxaa uu codsaday in laga qaado cunaqabateynta hubka.
Wasiirka ayaa u mahadceliyay hawlgalka ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya doorkooda ku aadan ka kaalmeynta Soomaaliya la dagaalanka kooxaha argagaxisada.
Wasiir Cawad ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya hormar la taaban karo ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha iyo wax soo saarka, suurgalna ay tahay in dhawaan ay ku biirto suuqa ganacsiga dunida.
“Waxaan diyaar u nahay Ganacsi,” ayuu yiri wasiirku.
Hadalsame Media