DAAWO: ARRIN UGUB AH….”Dhamaan dagaallada Bariga Dhexe ka holcaya waxaa ka dambeeya dalal SALIID doon ah!!” – Wasiirad-dibadeedka Austria oo Carabia ku khudbaysay!

0

(New York) 30 Sebt 2018 – Saliid unbaa u sabab ah dagaalka ka oogan Bariga Dhexe, halka ay Suuriya tahay dalkii ugu dambeeyay ee dhibbane u noqda hardankaa aan dhamaadka lahayn, sida ay sheegtay Wasiirad Dibadeedka Austaria, Karin Kneissl oo weliba khudbada ay QM ka jeedisey Carabi ki bilowday.

A US Navy soldier onboard Mark VI Patrol Boat stands guard as an oil tanker makes its way towards Bahrain port © Hamad I Mohammed
Iiraan oo Maraykanka u jeedisey inuu joojiyo qaska uu ka wado gobolka

Wasiiradda ayaa sheegtay in qaabka loo sameeyay khariidadda dalalka gobolka Bariga Dhexe markii horaba lagu saleeyay “dano saliideed,” iyadoo sharraxday in maababkaa oo oo ay sameeyeen Ingiriiska iyo Faransiiska kaddib jabkii Khilaafadii Cusmaaniyiinta lagu saleeyay “tubbooyinka saliidda qaada.”

Dhamaan dagaalladii halkaa ka dhacay waxay ku wada salaysnaayeen aragtida lagu doonayo in gacanta lagu hayo saliidda “oo weli udub dhexaad u ah tamarta” caalamka, waxayna sheegtay in dagaalka sokeeye ee 7-da sano ka holcaya Suuriya uu dalkaasi ka dhigayo uun “dhibbanihii ugu dambeeyay ee xasaradda ay saliid raadintu keentay.”

Waa markii ugu horreeyay ee diblomaasi sare oo reer Galbeed ihi uu war xadkaa gaarsiisan ka jeediyo Golaha Guud ee QM, waxayna Kneissl sababta ay warkeeda Carabi ugusoo dartay ku micnaysay sida ay u xushmaynayso dadka gobolkaa ku silacsan ee ay daashadeen dagaallada macmalka ihi, waxayna markii dambe u wareegtay luuqadaha Faransiiska, Spanish-ka iyo Ingiriiska, halka afkeeda hooyo uu German yahay.

Hadalsame Media