(Muqdisho) 30 Sebt 2018 – Maamulka sare ee gobolka Banaadir ayaa soo faragaliyay cabasho maanta ay muujiyeen qaar ka mid ah kalluumeysatada Magaaladda Muqdisho iyadoona maamulka gobolka Banaadir ku qanciyay iskaashtada Kalluunka ee suuqa degmada Cabdicasiis inay dib howlahooda shaqo u billaabaan.
Suuqa degmada Cabdicasiis ee kalluunka lagu iibiya ayaa xirnaa labaddii maalmood ee la soo dhaafay waxaana arrintaas ay ka dambeysay amaro la sheegay inay bixiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ee degmadaasi ka hawlgala.
Lama oga sababta amarkaas ka dambeysay hase ahaatee kalluumaysatada ayaa cabasho ka keenay amar ay sheegeen inuu ahaa inay suuqa isaga guuraan.
Banaanbaxayaal careysan ayaa maanta xiray qaar ka mid ah waddooyinka degmada Cabdicasiis.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir,Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo weheliyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed ayaa booqday xarunta Iskaashtada Kalluunka ee degmada Cabdicasiis si xal looga gaaro tabashada Iskaashtada Kalluunka .
Eng. Yarisow ayaa kadib markii uu dhageystay cabashada Iskaashtada, amar ku bixiyey in shaqadii uu kawaanku qaban jiray dib loo billaabo.
Hadalsame Media