(Muqdisho) 29 Sebt 2018 – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa hawlgalo saf balaaran ah ka sameeyay xaafaddo badan oo ka tirsan Magaaladda Muqdisho xili ay soo kordhayaan cabashooyinka shacabka e la xiriira burcad dadka rayidka dhibaato iyo dhac ku heysa.
Hawlgaladaan oo xalay ka dhacay xaafaddaha Xamar Jadiid, Calikamiin, Bar-ubax, black sea, Shiirkole ee ka kala tirsan degooyinka howl wadaag hodan iyo wartanabada ayaa lagu sheegay in ciidamada howlgalka sameeyay ay ka qab qabteen dhalinyaro fara badan sida goob joogayaal ay xaqiijiyeen.
Hawlgaladan ayaa yimid kadib markii ay bateen dhaca loo gaysanayo dadka shacabka iyadoonay ay u sii dheertahay dil joogta ah waxaana falalkaasi lagu eedeeyay burcad abaaulan oo ka dilaacay qeybaha ka duwan ee magaaladda Muqdisho.
Hadalsame Media