RASMI: Jarmanka oo ku guulaystey qabashada Euro 2024

0

(Nyon) 27 Sebt 2018 – Dalka Germany ayaa saacado ka hor ku guulaystay marti-gelinta Koobka Qaramada Yurub 2024.

Arrintaas waxaa kula tartamayay dalka Turkiga, oo soo ban-dhigay muuqaal (Video) aad u qurux badan, oo faah-faahinaya qaabka marti-gelinta – sida tayada garoomada, magaalooyinka, hotelada, maqaaxiyada, & sidoo kale ammaanka!

Balse nasiib darro, waxaa loo codeeyay Jarmalka, oo soo ban-dhigay muuqaal iska kooban oo aan sidaa u faahfaahsanayn.

Tusaale ahaan, 2010-kii Morocco ayaa ku guulaysatay marti-gelinta Koobka Adduunka balse waxaa la siiyay South Africa, kadib markii ay Laaluush fara-badan siiyeen madaxda FIFA.

Hadalsame Media