(Coverciano) 27 Sebt 2018 – Andrea Pirlo, Alberto Gilardino, Paolo Montero, Thiago Motta iyo Gabriel Batistuta ayaa ka mid ah macallimiinta cusub ee hadda qaatay shahaadada xirfadlennimo, iyagoo ka qalin jebiyay kulliyadda caanka ah ee Talyaaniga ee Coverciano.
Kulliyaddan oo hoos tagta xiriirka kubadda cagta Talyaaniga qaybta farsamada (FIGC Settore Tecnico) ayay raggani maanta ku dhamaysteen waxbarashadooda, waxaana ku jira laacibiin wada caan ah.
Waxaa ka mid ah ragga qaaday KA2006 sida Pirlo iyo Gilardino, oo lagu daray Paolo Cannavaro – oo ka yar Fabio – iyo Thiago Motta. Daniele Bonera ayaa weli u safta Villarreal, balse wuxuu diyaar u yahay xirfaddiisa xigta ee macalllinimo.
Laacibkii hore ee Fiorentina iyo Roma ee Batistuta ayaa isna joogey, sidoo kale daaficii AC Milan ee Jose Antonio Chamot, laacibkii dabciga kululaa ee Genoa dhexda u ahaa ee Francelino Matuzalem iyo daaficii adkaa ee Juventus ee Montero ayaa sidoo kale ka mid ah.
Shahaadada ay qaateen ayaa u saamaxaysa inay laylin karaan koox kasta oo dhallinyaro, ama haween ah, iyagoo sidoo kale kaaliye tababare ka noqon kara Serie B iyo Serie A, ama waxbarasho kale ayay qaadan karaan si ay toos ugu qabtaan iyagoon kaaliye noqon.
Ufficializzati i nuovi allenatori professionisti abilitati a #Coverciano.
Tra di loro molti nomi noti del #calcioitaliano: @Pirlo_official, @GBatistutaOK, @GilaGilardino, Paolo #Cannavaro, #Chamot, #Contini, #Matuzalem, #Montero e #ThiagoMotta
In bocca al lupo, Mister! pic.twitter.com/Hq9nXnYAnG
— FIGC (@FIGC) September 27, 2018
Hadalsame Media