(Hadalsame) 27 Sebt 2018 – Hadal jeedinta Madaxda gaar ahaan marka qofka uu yahay hoggaamiyaha ugu sareeya qaran waa muhiim, waayo eray kasta oo uu yiraahdo wuxuu ka dhigan yahay qarankii oo hadlaya.
Madaxda caalamka si kasta oo ay aqoon iyo aftahanimo u leeyhiin, hadana waxaa ay leeyihiin rag khubaro ku ah hab-qoraalka iyo siyaasadaha taagan oo u qora ama u diyaariya waxa ay ka hadlayaan, taasoo ay iska sii eegaan ka hor intaysan fuulin rakada khudbooyinka.
Sidoo kale hadalka madaxda waxaa xoogga lagu saaraa hadba madasha ay ka hadlayaan waxa ay daarantahay inkastoo mararka qaar lagu soo dari karo wax ka baxsan madasha balse arin weyn oo qaranka saameyn karta ah.
Waxay aniga ila tahay carab dafka iyo isticmaalka eray guud ahaan bedeli kara nuxurkii qudbada oo ay badanaa isticmaalaan madaxdeena in ay tahay diyaarin la,aan dhanka khudbadaha ah, maxay adiga kula tahay?
Diyaariye: M M Dhoorre
Hadalse Media