(Szhubga) 27 Sebt 2018 – Nin iyo haweenay tamashle ku jirey xeebaha Badda Black Sea dhanka dalka Ruushka ayay koronto ku dhegtey sidoo kalena lafa badan ka jajabay kaddib markii uu xarkaha korontada kula dhacay baarashuud badeed nooca doomaha lagu daba xiro ah.
Shilkan ayaa ka dhacay xeebta Dzhubga, oo u dhaxaysa Sochi iyo Novorossiysk, halkaasoo la sheegay inuu sharcigu debacsan yahay, waayo ninkii doonida ku jiidayay ayaa xeebta usoo dhowaadey isaoo u ogolaaday inay dul haadaan xeebtii oo ay dad dhooban yihiin.
Muuqaal ay duubeen dadkii xeebta joogey ayaa muujinaya labada qof oo ka lulalanaya baallayaal sida koronto nool, kaddibna waxaa la maqlay dhawaq xooggan iyo xarkihii oo nasiib wanaag go’ay, taasoo fasaxday baarashuudkii oo xeebta kusoo dhacay.
Ninka oo kasoo jeeda Orel oo ku taalla koonfurta Ruushka ayaa loola orday qaybta gargaarka degdegga ah isagoo xaalad xun ku sugan oo dhowr lafood oo feeraha ah ka jaban, halka haweenayda ay sanka ka jabtay, iyadoo jirkoo dhan ka fiiqfiiqan sida ay qortay jariidadda Komsomolskaya Pravda.
Hadalsame Media