(Muqdisho) 26 Sebt 2018 – Warkii ugu danbeeyay ee na dhex mara 7 maalin ka hor intaan lagu toogan Jaamacada gaar ahaan gudaha fasalka ay dhiganaysay Aamina waxaa ka mid ahaa ‘’Adeer saraakiil laba wajiilayaal ah ayaa kusoo batay Hay’adda Nabad Sugidda naftayda kuwaas ayaan uga baqayaa Shabaabka ayagaa ka xun.’’
Aamina oo 10 Gu’ ama toban sano iyo dheeraad ka mid ahayd Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya waxay si wayn uga cabsi qabtay saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA, magac yadooda iyo meeqaam kooda intay ii taxday ayay tiri Adeer Xiiranoow waan hubaa oo tayda dhaafi maayo, ee yaan loo dayn laba wajiilayaasha ( Basaasiinta) Shisheeyaha iyo Shabaabka shirqoolada la maleega inay ku naaxaan dhiigga dadka iyo dalka darajana loogu daro.
Xafiiska Madaxwaynaha iyo kan Ra’iisal wasaaraha midkoodna ugu yaraan uma tacsiyayn Qoyskay ka baxday Aamina, Geerida ka dib shaqada Aamina maahan sir, waxay mudan tahay in lagu maamuuso shaqadii ay 10 sano iyo dheeraad usoo haysay Qaranka, Madaxda dadkooda iyo dalkooda maamuuska iyo meeqaamka ku leh markay ka geeriyoodaan saraakiil waliba ka daraja hooseeya Aamina waxaa la marsiiyaa maamuuska ay mudnaayeen hasa ahaattee Aamina waxaad mooddaa inay ka dhimatay oo kaliya Qoyskeeda gaar ahaan Wiil yar oo 2 jir ah oo ay Aamina walaasheed ka umul raacday maalintii uu dhashay.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo aan ka xuuraan saday waxaa la ii sheegay in xafiisku og yahay oo kaliya inay Aamina ahayd Ardayad wax ka dhigata Jaamacad xamar ku taalla, Xafiiska Madaxwaynaha waxaa la iiga sheegay 2 maalin toogashadii Aamina kadib in ay og yihiin oo kaliya Gabar 9 jir ah oo askartu toogatay.
Inta ay noolayd Allaha u naxariistee Aamina oo aan kawar qabey waxay cabsi bilowday 6-dii bilood ee na dhaafay ama ugu dambeeyay waxayna xoog uga sheeganaysay saraakiil haattan ka tirsan nabad sugidda soomaaaliya, Waxay ii sheegtay inay jiraan Saraakiil badan oo danaha Shisheeyaha u jooga xarumaha Dalka shaqadooduna tahay curyaaminta iyo carqaladaynta hanaanka la dagaallanka danbiyada qorshaysan.
Cid kasta oo ka danbaysay dilka Aamina Xuseen waxa la khaarajiyay ama la dilay waa Hooyo Soomaaliyeed oo u adeegaysay qoyskeeda iyo Qarankeeda, halkii la doono eedda dilkeeda dusha ha loo saaro.
Waxaase aan shaki ku jirin in Hay’adda NISA uu raadku galay, ama khaarajin toosa ha ahaato ama fududayn loo sameeyay qolyaha gaysta dilalka qorshaysan. Waxaase is waydiin mudan Maxay Madaxdu geerida Sarkaal Sare oo NISA ah qiima ula yeelan wayday?
Miyaysan Qoyska Aamina mudnayn in ugu yaraan loo tacsiyeeyo ? Mise Tansaaniyaanka ayaa ka mudan oo dawladu u tacsiyeysay markii dad dooni saarnaa ay ku dhinteen dalka Tanzaaniya?
Qalinkii: F. Xiirane sarkaal ka tirsanaa sirdoonka soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)
Hadalsame Media