(Hadalsame) 26 Sebt 2018 – Reerka ay doonto ha ahaato, adeerkey ha dhalo, jaceyl darani ha innaga dhaxeeyo, ballan iyo axdi aan wada galno, Xuural ceyn jannada ka soo baxday ha noqoto, marba haddii aysan labadeyda waalid (aabbe iyo hooyo), ama midkood aysan raalli ka aheyn guurkeenna, khalaas, halkaas ayaan aniga iyo gabadhaasi ku kala faataxeysaneynaa.
Beddel kheyr qaba iyo guur kheyr qaba insha Allaah. Cafiyo masaamax ayaan isku sagootineynaa, aniga oo hoostana ka oynaya. Anigana wiil iga badan, iyadana gabar ayaa ka badan.
Midda kale, bal su’aalahan dhowrka ah ee maskaxdeyda ka dhex guuxaya ila qiimeeya:-
1. Sidee gabar aysan waalidkeygu raalli iiga aheyn ama ila rabin(sabab kasta haku dhacdo’e), nolol ula wadaagi karaa oo sariir ula seexan karaa?
2. Nolol farxad leh iyo jaceyl dhab ah ma isi siin karnaa mise murugo iyo tiiraanyo ayaan waligeen ku wada noolaaneynaa?
3. Sidee hooyadey iyo aabahey oo igu soo tiir iyo tacab beelay aan uga doorsan karaa qof aan shalay jidka ka bartay?
4. Maxay tahay farxadda aan ka helayo qof ay aabbahey ama hooyadey macaan darteed iiga calloobeen?
5. Sideen ugu wada noolaan karnaa nolol iyo guri ay aabbe qaali iyo hooyo macaan bannaanka ka taagan yihiin?
6. Laba qofood oo deyro ah ama midkood, ubadka ay isku dhali doonaan waa nuuc ma?
7. Dadka beenta idiinku sacab-tumaya, toban daqiiqo kaliya booskii aabbe iyo hooyo ma idiin buuxin karaan?
FG. Nin ama naag beddelkoda waa la helaa, balse waalid marna beddelkooda lama helo.
Tan kale, in dhibbanaha dhintay uu xaqiisa helo waa arrin lama huraan ah.
Xaquuqda sawirka: BBC Somali
Waxaa Qoray: Cabdiwahaab Cawaale
Hadalsame Media