(Nairobi) 26 Sebt 2018 – Waaxda Socdaalka Dalka Kenya ayaa dalkeeda ka cayrisay muwaaddin u dhashay dalkaasi Shiinaha oo lagu qabtay isagoo caayaya dadka Kenyan-ka ah.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Liu Jiaqi ayaa la arkayaa isagoo dadka Kenyan-ka ah aflagaadaynaya oo ”daanyeerro” ku tilmaamaya.
Muuqaalka waxaas oo dhan caddaynaya ayaa waxaa si qarsoodi ah uga duubay mid ka mid ah shaqaalihiisa oo uu ugu gooddinayay inuu shaqada ka cayrinayo.
Dowladda Kenya ayaa ayaamihii dambe dalkeeda ka saartay dad badan oo Aasiyaan ah oo iskugu jira kuwo sharci darro ku joogey kaddib markii uu dal ku jooggii ka dhacay iyo kuwo howlo sharci darro ah dalka ka hayay sida dhillaysi iwm.
Halkan hoose ka DAAWO…
BREAKING:
15 Chinese were arrested by Immigration officers @DCI_Kenya this morning in South C estate BROTHEL, it’s believed they have been engaging in Prostitution. They are being processed for deportation. Cc. @GKihalangwa @InteriorKE #AskImmigrationKE @TheStarKenya pic.twitter.com/R4bmu5DWRV— Immigration Kenya. (@ImmigrationDept) September 19, 2018
Hadalsame Media