DAAWO: ”Isu qabe aan loo qabin!” – Qaramada Midoobay oo ku qososhay KHUDBADDII Trump + Sawirro

0

(New York) 26 Sebt 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa amaan kala dul dhacay Israel iyo Saudi Arabia, isagoo weerar ku qaaday dalalka Iiraan, Venezuela iyo maxkamadda caalamiga ah ee ICC ee International Criminal Court, jeer uu markiisii 2-aad ka qayb galay kulanka Golaha Guud ee QM.

“In ka yar laba sanadood, maamulkaygu wuxuu ka jiba keenay wax ka badan waxa uu qabtay ku dhowaad maamul kasta oo Maraykanka soo maray.” ayuu yiri Trump.

Warkaas ayay madaxdii adduunku qosol jees jees ah oo kasoo fakaday uga jawaabeen, waana arrin uu dareemay isla Trump.

“America waxaa xukumaya dadka Maraykanka. Waan diidnay afkaaraha carra-edegaynta (globalism) waxaana aqbalnay waddaniyadda.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media