Yurub oo raadinaysa qaab ay Iiraan kula ganacsato jeer uu Maraykanku cuna qabateeyay

0

(New York) 25 Sebt 2018 – Mas’uulka arrimaha dibedda ugu qaybsan Midowga Yurub ee Federica Mogherini ayaa sheegtay in MY ay ka go’an tahay inuu mira dhalo oo hirgalo heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan oo uu Maraykanku ka baxay, iyagoo sheegay inay samaynayaan qaab cusub oo kula ganacsadaan Iiraan.

Mogherini ayaa akhrinaysay war kasoo baxay wasiirrada dalalka weli ku jira heshiiska wadajirka ah ee Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA) kaddib shir-doceed ay ku yeesheen Golaha Guud ee QM, waxayna dalalkaasi kala yihiin Ruushka, UK, Germany, China iyo France, kuwaasoo isku raacay inay Iiraan kasoo baxday shuruudihii lagu xirey.

Midowga Yurub, ayaa raadinaysa qaab sharci ah oo ay kula ganacsadaan Iiraan, xitaa haddii uu Maraykanka oo ka baxay heshiiskan oo uu saxiixay uu doonayo inuu cuna qabatayn ku fayla gooyo dakhliga ay Iiraan ka hesho saliidda ay dhoofiso.

FILE PHOTO: Philip Hammond, John Kerry and Federica Mogherini talk to Mohammad Javad Zarif in Vienna, Austria, July 14, 2015 © Carlos Barria / Reuters
Iiraan ayaa doonaysa in heshiiska sidiisii looga soo baxo ama lagu kala tago, waxaana ku kala qaybsan Yurub iyo Maraykanka.

Hadalsame Media