XOG XASAASI AH: Tirada ciidanka NISA iyo hubkooda ee lagu wareejiyay Taliska Booliska oo la helay

0

(Muqdisho) 25 Sebt 2018 – Warqad qoraal ah oo la sheegay inay ka soo baxday xafiiska taliye kuxigeenka hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa lagu sheegay in ciidan, hub iyo Tikniko lagu wareejiyey taliska guud ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa ciidanka NISA ka tirsanaa wareejiyey Fahad Yaasiin oo xiliga uu tallaabadaan qaadayay ahaa kusime agaasime. Warqadaan ayaa ku taarikheysan 2-dii bishaan

Ciidanka ayaa hoos geeyey taliska ciidamada Booliska Soomaaliya waxaana tirada ciidanka Nabad sugida ee lagu wareejiyay taliska Booliska lagu sheegay 1,728 oo ay ka mid yihiin 206 ciidan dhar cad ah.

Sidoo kale waxaa Booliska lagu wareejiyay gaadiid ciidan oo gaaraya 25 Cabdibille.

Hoos ka akhri warqada la helay

Hadalsame Media