(Washington, DC) 25 Sebt 2018 – Maraykanka ayaa duray go’aanka uu Ruushku Suuriya ugu hubeeynayo gantaalaha S-300 oo uu ku tilmaamay “khalad wayn,” sida uu ka digey John Bolton oo ah la taliyaha amaanka qaranka Maraykanka ee madaxwayne Trump, isagoo Moscow uga digey in sida uu yiri ”aysan uga darin xaaladda awalba cakirnayd ee Bariga Dhexe.”
“Waxay nala tahay in siinta gantaalaha S-300 ee Suuriya ay ka dhigan tahay inuu Ruushku xaaladda sii cakirayo, waxaana rajaynaynaa, haddii ay wararkani run yihiin, inuu Ruushku go’aankaa dib uga baaraandego,” ayuu yiri Bolton oo ay soo xiganayso wakaaladda wararka Associated Press.
Moscow ayaa Isniintii shalay ahayd ku dhawaaqday inay Dimishiq ku hubayn doonto gantaalahan casriga ah muddo 2 todobaad ah, go’aankaasoo yimi kaddib markii ay Israel sababtay soo dhicitaanka dayuurad ay Ruushku leeyihiin oo nooca basaaska ah Ilyushin Il-20 oo ay ku dhinteen 15 askari oo Ruush ah.
Gantaalaha S-300 ayaa horay ugu dalbanaa Suuriya sanaddii 2013, waxayna Moscow qandaraaskaa baabi’isay markii ay sidaa ka codsatay isla Israel oo halis istaraatiji ah u aragta inay Suuriya hesho gantaalo gaari kara meelo badan oo ka tirsan dhulka ay xukunto.
Hadalsame Media