”Sidee ula xaajoonaynaa nin qoorta middi nooga haya!” – Dagaalka ganacsi ee Shiinaha & Maraykanka oo sii laxaadsadey + Sawirro

0

(Beijing) 25 Sebt 2018 – In wada hadal ganacsi ay galaan Shiinaha iyo Maraykanku ma dhici karto inta Washington “ay qoorta middi uga hayso” dowladda Beijing, sida uu sheegay wasiir xigeenka Ganacsiga Shiinaha.

Warkan ayaa soo baxay kaddib markii uu Maraykanku 10% ku kordhiyay tarriifoonyinka uu ka qaado badeecooyin ilaa $200 bilyan oo doollar ku kacaya ee uu Shiinuhu u dhoofiyo dalka Maraykanka, taasoo iminka dhaqan gashay, halka canshuurta la kordhiyay 25%.

“Hadda oo uu Maraykanku dhaqan geliyay tillaabooyinkaa adag, oo uu qoorta middi nooga hayo, sidee wada hadal u soconayaa?” ayuu is ogaal waydiiyay Wang Shouwen oo shir jaraa’id qabtay, isagoo sheegay inaan sidaa lagu geli karin “wada xaajood loo siman yahay.”

Xiriirka ganacsi ee Sino-American-ka ayay jug kale ku dhacday, kaddib markii ay Beijing soo rogtey tarriifooyin saamayn doona badeecooyin ku kacaya $60 bilyan oo doollar oo Maraykanka ka yimaada.

Hadalsame Media