”Ronaldo & Messi waa bilaa XUSHMAD!!” – Fabio Capello

0

(Roma) 25 Sebt 2018 – Fabio Capello ayaa rumaysan in maqnaanshiyaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ee abaalmarintii FIFA Football Awards ay muujinayso “xushmad darro”.

Labada laacibba waxay ku jireen FIFPro World XI, halka qannaadka Juventus ee Ronaldo made uu isagu kaba tirsanaa 3-dii laacib ee tartanka ugu dambeeya isku hayay, yeelkeede, midkoodna kama soo muuqanin munaasabaddaasi, halka CR7 la sheegay inuu baaqday markii uu ogaadey inuu taajka ka tuuri doono Luka Modrid.

“Waa xushmad la’aan inaysan imanin. Marka abaalmarin laguu sharroxo way wada yimaadaan dadku, waxaaba dhici karta inaad guulaysato,” ayuu yiri Capello oo la hadlay Mundo Deportivo.

“Waa inaan abaal leedahay markii lagaa guulaysto, sida aad u jeceshahay inaad badiso.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media