RASMI: RW Sweden oo kalsoonidii lagala laabtay + Sawirro

0

(Stockholm) 25 Sebt 2018 – Baarlamanka cusub ee Sweden ee Riksdag ayaa ka codeeyay RW Stefan Löfven oo ay ku cayriyeen codka kalsoonida, taasoo si rasmi ah usoo afjaraysa 4 sano oo uu xilka hayey, isagoo horay dhegaha uga furaystay baaqyo ku aaddanaa inuu is casilo.

Cayrinta Löfven, oo ah hoggaamiyaha xisbiga bidix dhexe ee Social Democratic Party, ayaa awalba arrintan fili karey maaddaama aanu aqalka baarlamanka ku lahayn aqlabiyad isla markaana ay isbahaysiga Midig dhexe ay si hordhac ah ugu caddeeyeen inaysan u codayn doonin.

Labada garab ee siyaasadda Sweden ayaa haatan baarlamanka ku leh xubno ku dhowaad isku mid ah, waana midda keenaysa inuusan midkoodna helin aqlabiyad uu kusoo dhiso xukuumadda xigta.

Löfven oo 61 jir oo xilka hayey ilaa 2014 ayaa lagu eryey 204 cod oo ka dhan ah, halka uu helay 142 cod, waloow uu sii ahaan doono Wasiirka Koowaad inta laga keenayo RW cusub, iyadoo haddii uu afhayeenka cusub ee baarlamanka ee Andreas Norlén (M) uu 4 musharrax diido ay taasi keenayso in lagu dhawaaqo doorasho kala bax ah oo ku celis ah.

Hadalsame Media