Ra’iisul Wasaaraha New Zealand, sidoo kale waa HOOYO cajiib ah (Qorma Xiiso badan)

0

(Muqdisho) 25 Sebt 2018 – Jacinda Ardern oo ah Ra’iisul Wasaaraha New Zealand ayaa lagu amaanay inay khubad ka jeediso shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay iyadoo wadata gabadheeda oo sadex bilood jir ah.

Hooyadaan oo ah 38 sanno jir ah, Waxay hadal qiimo badan ka jeedisay shirka  Nabadda ee lagu maamusayay Nelson Mandela hoggaamiyhii hore ee dalka South Afrika, waxaana ay aad uga hadashay saameynta uu Nelson Mendela ku lahaa dalkeeda New Zealand.

Odeygeeda Clarke Gayford ayaa dhinaceeda fadhiyay isagoo kor u hayay gabadhooda sadex bilood jirka ah intii ay socotay khubadda xaaskiisa Jacinda Ardern. Gabadha yar waxaa lagu magacaabaa Neve Te Aroha.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah warbaahinta caalamka, Ms Ardern  ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horeysay ee dal dunida ka mid ah madax ka ah oo cunug yar oo muluq ah keenta kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda Magaaladda New York ee dalka Maraykanka.

Hadalsame Media