(Menlo Park, CA) 25 Sebt 2018 – Nimanka Instagram aasaasay ee Kevin Systrom iyo Mike Krieger, ayaa hay’addaa iska casiley, kaddib markii ay is fahmi waayeen milkiilaha Facebook ahna Agaasimaha Guud, Mark Zuckerberg. Waxaana horay loo sheegay inay is casileen raggii aasaasay WhatsApp.
War kasoo baxay Systrom ayuu ku sheegay in isaga iyo Krieger ay diyaar u yihiin “cutubka xiga ee noloshooda,” isagoo muujiyay inay abuuri doonaan wax cusub, iyadoo uu kambanigan sawirrada lagu wadaago ay 13 qof ka bilaabatay balse ay gaartey in ka badan 1 bilyan oo qofood.
Lama oga sababta ka dambaysa tegitaannka Systrom iyo Krieger iyadoo ay Bloomberg sheegtay in ilo aan la magacaabin ay ay sheegayaan in nimanka Instagram sameeyay ay qadyaan ka istaageen milkiilaha Facebook ee Mark Zuckerberg oo gacan dhaaf maalinle ah ka dayn waayay, isagoo weliba noqday nin iyaga ka suga inay qorsheeyaan mustaqbalka Facebook.
Systrom iyo Krieger ayaa Instagram dhisay 2010, waxaana kasii iibsadey Facebook 2 sano uun kaddib, isagoo ka siistay adduun dhamaa $1 bilyan oo doollar, waloow ay iyagu ku shaqaynayeen, si la mid ah Whatsup.
Hadalsame Media