Qalbi Dhagax oo la sheegay inuu ka degey magaalada Hargaysa + Sawirro

0

(Hargaysa) 25 Sebt 2018 – Warar nasoo gaaraya oo aan weli hubbanayn ayaa sheegaya inuu magaalada Hargaysa gaarey Cabdikariim Sheekh Muuse.

Qalbi Dhagax ayaa kusoo caan baxay qorshe muran badan dhaliyay oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Somalia oo loogu gacan geliyay dowladda Itoobiya, waxaana markii dambe sii daayay RW cusub ee Cabbeey Axmed oo ururka ONLF ka saaray liiska argagixisada.

Qalbi Dhagax ayaa wixii markaa ka dambaysay aan warar badan laga helin iyadoo la sheegay inuu Xamar tegey oo uu muddo joogey, waxaana haatan la sheegay inuu ka degey magaalada Hargaysa.

Hadalsame Media