(Muqdisho) 25 Sebt 2018 – Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxa uu ka hadlay falalka amnidaro ee ka dhacaya Magalada Muqdisho iyo waxa sababta u ah xilligaan.
Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ay jiraan sababo dhowr ah oo kalifaya in dad si micna darro ah maalin kasta magaalada Muqdisho loogu dilo dad Shacab ah oo aan waxba galabsanin, taasoo sidoo kale dilaysa kalsoonida shacabka.
“Hadii aan howlgal la sameyn oo aan ciidankii lagu hoggaamin inay dagaal qaadaan oo Ciidanka magalada lagu dhex haayaa waxa ay sababeysaa in maalin walba uu dhinto qof rayid ah, wiilka bajaajka wata iyo dad kale ayaa dhimanaya,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute oo u warramay idaacadda Dalsan Radio.
Shuute ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii dhawaan gudaha Jaamacadda Soomaaliya(Uniso) loogu dhex gaystay haweeney ka mid ahayd ardayda wax ka barata Jaamacadaasi oo weliba la sheegay inay meel aan u dheerayn deggan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Hadalsame Media