(Muqdisho) 25 Sebt 2018 – Amber Guyger oo ahayd sarkaalad cadaan ah oo Booliska ka tirsanayd ayaa shaqada laga eryay kadib markii sida la sheegay ay toogasho ku dishay nin madow ah oo deris lahaa.
Amber Guyger ayaa u qaatay ninka ay toogatay ee madowga ah inuu gurigeeda soo galay, maadama ay hal dhisme ku wada noolaayeen oo ay deris ahaayeen.
Labo xabadood ayay riday waxaana ay ku dhaceen Botham Shem Jean oo ahaa deriskeeda, islamarkaana ahaa nin madow ah oo rayid ah. Falkaan ayaa sababay carro, waxaana ninka la dilay uu ka mid ahaa muhaajiriinta u dhalatay Jaziirada Saint Lucia oo qaar kood hadda ku nool Mareykanka.
Sarkaaladda Booliska ah ayaa lagu eedeeyay fal dambiyeed qaarajin ah waxaana ay wajihi doontaa xukun maxkamadeed iyadoona shaqadeeda ku waysay sababo la xiriira dilka ay gaysatay.
Hadalsame Media