(Milano) 25 Sebt 2018 – Gennaro Gattuso halis deg deg ah oo la xiriirta in xilka laga xayuubiyo iminka kuma jiro, yeelkeede, Leonardo ayaa la sheegayaa inuu digniin cad u diray “waa inaannu ishaaro bixinnaa kulamada yar ee soo aaddan”.
Kooxda Rossoneri ayaa si liidata ku bilaabatay horyaalka, kaddib markii ay markale fareheeda ka baxday ciyaar gacanteeda ku jirtey iyadoo 2-2 la gashay Atalanta haatanna kaalinta 12-aad ka jiifta jadwalka Serie A, waloow ay hal ciyaari u baaqatay.
Sida ku dhigan Corriere dello Sport, madaxa farsamada Milan ee Leonardo ayaa caddeeyay in jawaab deg deg ah loo baahan yahay maalmaha soo aaddan, waloow aysan shaqada Gattuso hadda halis deg deg ah ku jirin.
Milan ayaa wajahaysa kooxaha Empoli iyo Sassuolo oo ay booqanayso iyo Chievo, waxayna rajaynaysaa inay 9 dhibcood ka hesho, ka hor inta aysan Inter iskula dhicin kulan Derby Della Madonnina kaddib biririfta caalamiga ah.
Hadalsame Media