Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Somalia oo xafiis ka furatay Buuhoodle + Sawirro

0

(Buuhoodle) 25 Sebt 2018 – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda dhexe ee Somalia oo kaashaneysa maamulka iyo odoyaasha dhaqanka degmada Buuhoodle ayaa dib u howlgelisey xafiiska socdaalka bar-xuduudeedka Buuhoodle.

Munaasabaddii lagu furayay xafiiskan ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka kala socdey  bulshada deegaanka, maamulka degmada iyo ciidamada amniga, wuxuuna dhinac walba wacad ku maray inay gudanayaan waajibaadka kaga aaddan howlaha xaafiiskan.

Xafiiskan ayaa dadka degaanka ka saacidi doona inay helaan adeegyada ay uga baahan yihiin hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hadalsame Media