FADEEXO: Saraakiil ka tirsan UNSOM oo si qarsoodi ah SAWIRRO uga qaaday taliye kuxigeenka Sirdoonka Soomaaliya

0

(Muqdisho) 25 Sebt 2018 – labo Sarkaal oo ka tirsan xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa laga ERYAY shaqadoodii kadib markii ay si qalad ah iyagoon ogolaasho u haysanin Sawirro uga qaadeen taliye kuxigeenka hay’adda sirdoonka iyo nabad suggida qaranka Soomaaliya Fahad Yasiin.

Warsidaha Hadalsame Media ayaa fahansan xog daahsoon oo ku saabsan in Nabouru Fernandes oo ah kaaliyaha xoghayihii hore ee wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael keating uu sawirro ka qaaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah taliye ku xigeenka NISA.

Xogta ayaa sheegaysa in Nabouru Fernandes uusan wax ogolaasho ah waydiisan taliye ku xigeenka sirdoonka Soomaaliya xilliga uu sawirrada ka qaadayay oo ay wada saarnaayeen diyaaradda Qadar Airways  oo ku sii jeeday garoonka Joma Keenyata ee dalka Kenya.

Nabouru Fernandes ayaa sawirrada uu ka qaaday Taliye ku xigeenka sirdoonka Soomaaliya waxa uu u diray nin kale oo diyaaradda la saarnaa oo la yiraahdo Nuuradiin Diiriye oo isna ah la taliye sare oo ka tirsan xaafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Lama oga sababta ka dambeysay in saraakiisha ka tirsan xaafiiska UNSOM sawirro ka qaadaan taliye kuxigeenka sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin, hase ahaatee waxaa xogtu sheegaysaa in ciidanka Kenya ee ka hawlgala garoonka Joma Keenyaata suaalo waydiiyeen labada sarkaal ee ka tirsan UNSOM kuwaas oo hadda shaqada laga eryay.

Warar aan la xaqiijin oo ay tabiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga ayaa sheegaya in taliye kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin uu gacan u qaaday mid ka mid ah saraakiisha UNSOM ee sawirrada ka qaaday, islamarkaana uu aad uga xanaaqay sida qarsoodiga ah ee ay sawirrada uga qaadayeen isagoon wax ogolaasho ah siin.

Hadalsame Media