FAALLO: Sheekh Shaakiroow Showrkaaga ballaari!

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2018 – Wasiirka Koowaad ee Galmudug oo xilka haya muddo toban bilood ku dhow haddaanan xasuus habaabin ayaab isleeyahay waa uu ka gaabiyay ama gabay hawlihii shacabka Galmudug ka sugaayay hadday noqon lahayd xag amni, xag dib u heshiisiin, iyo dhisidda iyo baahinta maamulka Galmudug.

Shiikh Shaakir tan iyo maalintii uu xilkaas culus ee asaga loo amaamuday dusha saartay ayaan cag dhigin inta badan magaalooyinka waa wayn ee Galmudug marka laga reebo Guriceel, Dhuusamarreeb iyo Caabuqwaaq oo biririf ku tagay.

Waxaa iswaydiin mudan sababta uu Raisul Wasaare Shaakir u tagi la’yahay Gaalkacyo, Cadaado, Hobyo iyo kuwa kale? Sidoo kale Shiikh Shaakir iyo maamulka uu madaxda ka yahay ilaa hadda wax yallaabo ah uma qaadin sidii Shabaabka looga xorayn lahaa magaalooyinka waa wayn ee Ceelbuur, Xarardheere, iyo Ceeldheer iyo dhammaan Koofurta Galmudug.

DOOR MAQAN

Sidoo kale Raisul Shaakir ma qaadan doorkii uu lahaa daminta iyo furdaaminta khilaafyada siyaasadeed ee Galmudug ka taagan.

Ilaa iyo hadda shacabku ma arkaan Shiikh Shaakir iyo maamulkiisu wax qabad la taaban karo oo dadka Galmudug berri ku xasuustaan. Waxaadba u malaysaa in Shiikhu ka badin la’yahay la xaydraynta xertiisa iyo ka qaybgalka siyaarooyinka.

Shiikh Shaakir Raisul Wasaare u ma ahan Xertiisa oo kaliya ama Ahlu Sunna ee waxa yu masuul u yahay dhammaan ummadda reer Galmudug, Suufi, Gar-dheere, Caalin iyo Caami, mid masaajid fadhiya iyo geel daba jooga oo aan salaad tukan dhamaan madax ayuu u yahay waajib ayaana ka saaran wax u qabadkood iyo nabadgalyadooda.

Waxaan ku afmeerayaa “Shiikh Shaakirow Galmudug Ahlu Sunna oo kaliya ma ahan iyo xertaada ee arrimaha siyaarooyinka iyo xadraynta adiga ayay gaar kuu tahay ee masuuliyadda ku saaran gudo.

AFEEF: Aragtida qoraalkani xambaarsan tahay waxay khuseeysaa qoraaga ku saxiixan.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media