(Muqdisho) 25 Sebt 2018 – Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay qaadeen tallaabooyin muhiim ah oo ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degmooyin hoostaga Magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha.
Hawlgaladan oo inta badan ka dhacay deegaanada wadada marta dhanka xeebta ayaa ciidamadu waxay kaga sifeeyeen maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaiya Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo Ciidanka Howlgalka fuliyey hoggaaminayey, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay Muddo dheer kadib Shacabka Soomaaliyeed in laga dulqaaday kuwo dadka ku dhibi jiray inta u dhaxeysa Wadada Xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.
Isagoo la hadlayay Idaacadda codka Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayuu tilmaamay qorshaha Taliska Ciidanka Xoogga dalka inuu yahay in Alshabaab laga xoreeyo dhammaan goobaha ay kaga dhuumanayaan dalka oo ay ku dhibaan dadka Shacabka ah.
Hadalsame Media