Qannaaska Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sida la sheegayo u gooyn doona munaasabadda Abaalmarinta FIFA ee Kubadda Cagta ee The Best FIFA Football oo Isniintan qabsoomaysa.
Halkan ka dhegeyso warbixin aannu horay uga diyaarinay…
Ronaldo ayaa markii hore London laga sugayay si uu u difaacdo taajkiisa oo ay ku haystaan Mohamed Salah iyo Luka Modric, yeelkeede, Tuttosport ayaa ku doodaya in laacibku uu u gooynayo si la mid ah munaasabaddii samaynta Champions League, horraantii bishan.
Warsidaha ayaa qiil ka dhigay inuu laacibku diiradda saarayo ciyaarta Serie A ee ay Arbacada la yeelanayaan Bologna, tiiyoo ay todobaad dhamaadkana Napoli wajahayaan.
Dhanka kale se waxaa jira warar shux shux ah oo sheegaya in uu laacibku ogyahay in uusan abaalmarintan arki doonin, iyadoo ay u muuqato in uu u sharraxan yahay sxbkiisii hore ee Real Madrid, Luka Modric, oo ku cad cad abaalmarinta FIFA.
Hadalsame Media