(Muqdisho) 24 Sebt 2018 – Waxaa geb ahaanba albaabada loo laabay xabsigii Jeel-Ogaadeen oo ku yaalay Magaaladda Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.
Maxaabiis badan loo heystay arrimo siyaasadeed iyo ka mid ahaansho ama taageero Ururrada mucaaradka Itoobiya sida ONLF ayaa iyana la sii daayay.
Xabsiga ayaa loo bedeli doonaan matxaf loo daawasho tago ama Muusiyaam waxaana sidaasi xaqiijiyay Bashir Axmed Xaashi oo ah taliye ku xigeenka ciidanka asluubta dawlad deegaanka Soomalida
Go’aankan lagu xiray Jeelka waxaa uu ka soo baxay golaha wasiirradda dowlad deegaanka, iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan gobolka Soomaalida.
Hadalsame Media