(Muqdisho) 24 Sebt 2018 – HoggaamiyahaMucaaradka ah Ibraahim Maxamed Solih ayaa si la yaab leh ugu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada madaxwaynanimo ee dalka Maldives, isagoona carabka ku adkeeyay inuu ka guulaystay hoggaamiyaha dalkaasi oo ka mid ah dalalka barwaaqa sooranka ah ee deriska la ah Shiinaha.
92% codadka la tiriyay ayaa waxaa la sheegay in Mr. Solih uu helay 58.3% cod, waxaana taas micnaheedu yahay inuu ka horeeyo hoggaamiyaha dalkaasi ninka lagu magacaabo Cabdulla Yamiin.
Mr. Yamiin ayaa kormeerayaasha caalamiga ahi ku eedeeyeen inuu doonayo in doorashada uu ku shubto si xukunka uu u sii dheeraysto.
Laakin ninka mucaaradka ah ee la tartamaya ee la yiraahdo ah Ibraahim Maxamed Solih ayaa dagaal ugu jira sidii uu u heli lahaa warbaahinta dalkaas iyo tan caalamiga si ay u faafiyaan wararka la xiriira sheegashadiisa.
Illa hadda wali si rasmi ah looguma dhawaaqin cida ku guuleysatay doorashada dalkaasi, waase la filayaa in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.
Hadalsame Media