(Muqdisho) 24 Sebt 2018 – Shir lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka Siyaasadeed ee maamulka Galmdug ayaa fashilmay waxaana shirkaas dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shirkan oo qorshaha uu ahaa inuu furmo maanta oo ay bisha September tahay 24, ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa ku gacan seeray baaqa Madaxwayne Farmaajo, wuxuuna tilmaamay in dhibaatada Galmudug ay ka dambeyso dowladda dhexe.
Garabka kale ee uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenkii gal-mudug Maxamed cabdi xaashi carabey ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan baaqa Madaxwayne Farmaajo.
Galmudug ayaa hadda dhex dabaalanaysa mid ka mid ah Khilaafyada ugu xumaa ee soo wajaha Maamulkaas.
Hadalsame Media