”Isku tashada oo samaysta ciidamo MADANI ah!” – Caasho Shaacuur oo la talisay dadwaynaha Muqdisho

0

(Muqdisho) 24 Sebt 2018 – Marwo Caasha Shaacuur Ugaas oo ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho looga baahan yahay inay sameystaan Ciidamo Madani ah oo amnigooda ilaaliya.

Waxa ay sheegtay in Magalada muqdisho ay ku nool yihiin in ka badan saddex Milyan oo qof,marka loo baahan yahay in Shacabku ay xooga saaraan dhibaatada meesha ka jirto in laga hortago.

“Shacabka Muqdisho waa in ay sameystaan Ciidamo madani ah, Dowladu Amniga waxba kama qaban karto waa in nafteena aan badbaadinaa. 3 milyan ayaa magaaladan ku nool dowlad oo kaliya ihina waxba kama qaban karto.” ayay tiri Marwo Caasha oo u warramaysa Idaacadda Dalsan, sheegtayna inay shacabku isku tashadaan.

Caasha Shaacuur ayaa sheegtay in kooxaha dhibka ka wada Muqdisho ay wadaan dad aan ahayn kuwa la moodayo, balse ma aysan carrabaabin nooca ay yihiin, jeer magaalada Muqdisho laga dareemayo moowjado foowdo ah oo u muuqda kuwa abaabulan oo dano siyaasadeed ka dambeeyaan, taasoo ay dowladduna ka gaabisay inay la tacaasho marar badanna ciidamada dowladda laftooda ayaa foowdada gacan wayn ka gaysta.

Hadalsame Media