(Muqdisho) 24 Sab 2018. Finalka ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa caawa qabsoomi doona, waxaana kullan adag wada ciyaaraya Waabari iyo Shibis.
Labada degmo ayaa qaab ciyaareed wanaagsan tartanka ku sameeyay waxaana degmo kaste ay doonaysaa in ay koobka ku guulaysato.
Waa markii Afaraad oo xiriir ah oo ay Waabari timaado Finalka Tartanka, iyadoo laba ka mid ah laga qaaday.
Garoonka ayaa lagu xiray WIFI interner Free ah, Sidoo kale waxaa garoonka iyana lagu xiray shaashad weeyn oo TV live ah si aay u sahlanaato ku celiska goolasha .
Shibis waxa ay ka soo badisay Shangaani, halka Waabari ay soo martay Hodan.
Waa markii labaad oo xiriir ah oo xilli habeen ah la qabanayo Finalka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir.
Hadalsame Media