(Tel Aviv) 23 Sebt 2018 – Israel ayaa qiratay in imaanshihii ciidamada Ruushanka ee Suuriya ee 2015 ay xaaladda ku cakirtay, jeer ay sidoo kale warkeeda ka muuqato inay ka dhur sugaysay inay Daacish wada qabsato Suuriya, taasoo tuhunkii jirey sii kordhinaysa.
Weerarradii dhanka cirka ahaa ee ay Ruushku 2015-kii ku bilaabeen kooxda sheegatay Islamic State (oo markii hore loo yaqaanney ISIS) ayaa “qayb ahaan go’aamisay” aayaha dagaalka Suuriya oo uu guushii wax yar u jiro Bashar Assad.
Sarreeye Guuto Uri Oron, oo ah madaxa mukhaabaraadka ciidamada cirka Yuhuudda ayaa u sheegay warqaadka Israel kasoo baxa ee Haaretz qirasho ku aaddan in ay Ruushku arrinta soo fara geliyeen jeer ay ciidamada Suuriya qarka u saarnaayeen inay jilbaha dhulka ku dhufsadaan.

“Xagaagii 2015-kii qof kasta wuxuu hubay in Daacish ay qabsanayso xitaa Dimishiq,” ayuu yiri Gen. Oron. Isagoo raaciyay “imaanshaha Ruushku waa wixii ugu xoogganaa ee beddeley xaqiiqada iyo wadciga goobta sanadihii yaraa ee dambe,” marka lagu daro heshiiskii nukliyeerka ee ay 6 dal oo kuwa waawayn ihi ay la galeen Iiraan, waloow ay Israel ku guulaysatey inay heshiiskaa halis geliso kaddib markii ay Maraykanka ku cadaadisay inuu ka boxo.
Mar la waydiiyay in joogitaanka ciidamada Ruushku ay dhib joogta ah ku tahay howlgallada ciidamada cirka ee Israeli Air Force’s (IAF), wuxuu Oron yiri: “Caqabad bay nagu tahay. Waayo waa inaannu khalad iska ilaalinnaa.” Waloow uu sheegay inaysan taasi ka dhignayn inaysan dul haadi doonin hawada Suuriya.
Hadalsame Media