MASKAX MARAN & MARO DHIIG LEH: ”Soomaaalidu caqli aan ahayn in la is dilo oo la wada dulloobo ma taqaan miyaa?!”

0

(Hadalsame Media) 20 Sebt 2018 – Nin xikmad badan ka tagay oo la oran jiray Cali Garaad ayaa nin walaalkiis ahi ku yiri walaalow libaax baa hasheydii dilaye kaalay ila soo dil,Cali Garaad walaalkii wuu raacay waxayna ka cimil galeen (libaaxii ugu gabbadeen) meeshii uu hasha ku dilay,markii ay muddo dheer godkii ay ku gabbanayeen ku jireen libaaxiina meshii soo mari waayay ayuu cali garaad walaalkiis ku yiri walaalow: caqli aan aheyn inaan libaaxa halkan ku sugno miyeynaan keeni karin?.

Macnahaasi wuxuu ina tusinayaa in loo baahanyahay in dhinacyo badan laga eego arrinta la doonayo in la xalliyo,soomaaliduna macnahaas maahmaahyo badan bay ka leedahay waxaana ka mid ah : colka waraf ma lagu dayay?

Waxaa laga wadaa haddii colkii hubkii lagala quustay bal warafna ha lagu dayo waaba intaasoo dhagax tuur lagaga adkaadaaye,waxaa kale oo soomaalidu tiraahdaa: dameer ceel ku dhacay kooy kooyna waa lagu dayaa! waxaa loola jeedaa haddii si kale ceelka lagaga soo saari waayay bal ha lagu dayo in kooy loogu yeero waaba laga yaabaa in ay sidaas ceelka kaga soo baxdee!.

Marka aan eego mushkiladaha ay siyaasiyiinta soomaalidu isku murginayaan ee inta badan ku dhammaada in xabbadi dhacdo ka dibna dhiig daato ka dibna la wada khasaaro, waxaan is iraahdaa tolow caqli aan aheyn aan is dilno miyaan la heli karin? hadallada dhiillada abuuraya ee la isu marinayo qalabka warbaahinta miyaa la waayay hadal ka sahlan oo farriimaha la isku gaarsiiyo? mushkiladaha siyaasadeed ee ina haysta miyaan loo raadin karin xal aan aheyn baaruud iyo rasaas?

Qalinkii: Abuu Xasan Ibraahim

Hadalsame Media