”Ma yeelayno!” – Dalalka OPEC oo iska dhega tiray DALAB ka yimid Donald Trump

0

(Algiers) 23 Sebt 2018 – Ururka ay ku midaysan yihiin dalalka Saliidda soo saara ee OPEC ayaa kulan ay yeesheen aan uga wada hadlin soo jeedin ka timid madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump oo ku saabsanayd inay kordhiyaan saliidda ay soo saaraan si uu hoos ugu dhoco sicirka saliiddu.

Shirkan oo lagu qabtay magaalada Algiers, ayay ku kulmeen wasiirrada dalalka saliidda soo saara, kuwaasoo iska dhega mariyay dalabka Trump oo dalalka qaar ugu abaal sheegtay inuu Maraykanku ilaaliyo.

Trump blames OPEC for high oil prices, but his polices drive them up – analyst to RT

FILE PHOTO. © Lucy Nicholson
Trump ayaa OPEC ku eedeeyay inay cirka ku toleen sicirka saliidda

Markii la waydiiyay inay kordhinayaan wax soo saarka saliidda, wasiirka Saliidda iyo Gaaska ee Cumaan, Mohammed Rumhi ayaa lasoo degdegey jawaabta “Maya” kaddib dhamaadkii kulanka.

Hadalsame Media