(Astana) 23 Sebt 2018 – Laba jiir ayaa dhex galay mashiin ATM ah caasimadda Kazakhstan ee Astana, iyagoo baraf ka dhuumanayay, waxayna shaqaalihii bankigu la yaabeen markii ay ogaadeen jiirarkan oo lacag badan cunay muddadii ay meesha ku jireen.
Arrinta ayaa la ogaadey xilligii caadiyan la doonayay in lacag cusub lagu cabbeeyo mashiinka, waxayna howlwadeenku muuqaal ka duubeen la yaabka ay la kulmeen.
Muuqaalka oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya lacag googo’an, iyadoo qof shaqaalaha ka tirsani yiri. “Maafiyo dhan baa meeshan ku jirta,” waxaana lacagta waxyeelloowday lagu qiyaasay in ka badan $300 oo doollar.
Hadalsame Media