(Muqdisho) 23 Sebt 2018 – Mar qura ayaa lagu kala cararay iskuul ku yaalla magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Jaabir Bin Xayaat faraca uu ku leeyahay Xaafadda Nasteexo ee Madiina.
Kala cararka ayaa ka dhashay kaddib markii uu soo yeerey khabar ku aaddan in miino lagu aasay hog wayn oo iskuulka ka ag qodnaa, sida ay iskuulka ku wargeliyeen haweenay nadaafada ka shaysa iyo Macalin dugsi Quraan oo deris la ah isla iskuulka.
Maamulaha dugsigaasi, Jaabir Bin Xayaat, gaar ahaan laanta Xaafada Nasteexo Cabduqaadir Maxamed Cali ayaa sheegay inay arrintani si xun u saamaysay iskuulka oo ay ardaydii kala direen, balse markii dambe ay goobta soo gaareen booliiska degmada oo xaqiijiyay inaysan jirin wax miino ah oo meesha ku jira.
Halkan ka dhegeyso waraysiga maamulaha.
Hadalsame Media