(Gaalkacyo) 23 Sebt 2018 – Agaasime ku xigeenka Radio Gaalkacyo, Maxamed Cali Siyaad ayaa lagu dhaawacay magaalada Gaalkacyo, waxaana dhaawacay askari ka tirsan Ciidamada Qaybta.
Maxamed Cali Siyaad iyo Wariyeyaal la socda ayaa la balan sanaa Taliye ku xigeenka qaybta, si ay uga qaadaan wareysi la xiriira amniga magaalada Gaalkacyo.
Askari ku sugnaa albaabka hore ee qaybta ayaa dhagax wayn madaxa uga dhuftay Maxamed Cali Siyaad, ilaa hadana lama oga sababta iyo ujeedka.
Saciid Nadaara, Gaalgacyo
Hadalsame Media