DAAWO: ”Waannu sii wadi doonnaa howlgallada Suuriya” – Israel oo si jees jees ah uga jawaabtey dayuuradii Ruushka ka dhacday!

0

(Tel Aviv) 23 Sebt 2018 – Israel ayaa sheegtay inaan iyada loo raacan karin dayuuraddii Ruushka ee Il-20 oo uu ku dhacay gantaal ay ciidamada Suuriya u wadeen dayuurado F-16 ah oo ay Yuhuuddu leedahay oo kusoo xadgudbey hawada dalkaasi.

“Ciidamada Cirka Yuhuudda ee IAF (Israeli Air Force) kuma daba gambanin dayuuradda Ruushka… Weliba dayuuradaha Israel waxay ku jireen hawada Israeli markii la ridayay dayuuradda Ruushka,” ayay soo tweet gareeyeen ciidamada IDF oo ku adkaystay inay raaceen “hab-howleedka is war gelinta ee kala dhexeeya ciidamada Ruushka.”

Ciidamada Ruushka ayaa aaminsan in ay dayuurad F-16 ihi ay gantaalka uga gambatay dayuuradooda oo ah nooca waawayn oo ay ku dhinteen dhamaanba 15 shaqaale ah, yeelkeede, ciidamada IDF ayaa eeddiiba saaray ciidamada Suuriya iyo dalka Iiran, iyagoo sheegay inay dhibaatadu ka timid markii uu “hub casri ihi u gacan galay dad aan mas’uul ahayn,” sida ay yiraahdeen, waxayna weliba ku gooddiyeen inaysan joojin doonin xad-gudubka ay wadaan iyagoo sheegay inay Yuhuuddu adeegsan doonto wax ay ku sheegeen “hub halis ah oo shiish wacan” si ay Iiraan uga jiraan inay saldhig ku yeelato gudaha Suuriya.

Hadalsame Media