DAAWO: Maxay Somaliland ka tiri inuu Muuse Biixi Muqdisho yimaado?

0

(Hargaysa) 23 Sebt 2018 – Wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeedhay ra’iisal was are ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ee kulanka madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida uu faafiyay Saab TV oo ay soo xigatey Caasimadda Online.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu jiray qorshe socday muddo, oo ahaa inay kulmaan Farmaajo iyo Muuse Biixi, islamarkana kala booqdaan magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho ee labadooda caasimad.

“Mar walba way naga go’an tahay inaan la hadalno Somaliland, qorsho waxaa jiray horay u socday oo ahaa inay wada kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biix” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Si kastaba, Sacad Cali Shire ayaa taas ku gacan seeray, wuxuuna sheegay in marnaba aysan kulmi dooni madaxweyne Soomaaliyeed iyo madaxweyne Somaliland, isaga oo sababtuna ku sheegay in marka hore Soomaaliya laga doonayo inay Somaliland u aqoonsato dal.

“Arrinta Soomaaliya waa ay ka duwan tahay midda dalalka kale ee jaarka nala ah, waayo Soomaaliya waa dal aan ogoleyn jiritaankeena” ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Hadalsame Media