(Tehraan) 23 Sebt 2018 – Tehraan ayaa u yeeratey ergaydii ka joogtay 3 dal oo Yurub ah iyadoo ku eedaysay inay naas nuujinayaan ”kooxo xag jir ah” sida ay tiri, isla markaana ay argagixiso u yaqaannaan oo qura wixii iyaga weerara.
Warka Iiraan ayaa soo baxaya kaddib markii shalay weerar lagu qaaday gaardi ciidan oo lagu maamuusayay dhamaadka dagaalkii 8-da sano ee Iiraan iyo Ciraaq, waxaana weerarkii shalay ku dhintay in ka badan 30 qof, iyadoo ay dhaawacmeen 60 kale.
“Lama aqbali karo inaan kooxahani liiska argagixisada ugu jirin Midowga Yurub, maaddaama aysan iyaga weerarro argagixiso u gaysanin,” ayuu ku qayliyay Bahram Qasemi, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arr. Dibedda, oo ay soo xigatey wakaaladda wararka IRNA.
Diblomaasiyiinta loo yeerey oo fadhiya UK, Netherlands iyo Denmark ayay dowladdoodu aad ugu canaanatay sababta ay war uga keeni waayeen inay dalalka ay fadhiyaan joogaan xarumana ku leeyihiin kooxdii shalay weerarka gaysatey.
Weerar qaatay 10-daqiiqo oo ay soo qaadeen ilaa 4 qorile oo soo xirtey TUUTAHA Ilaalada Jamhuuriga Iiraan oo la wada diley sida ay Iiraan sheegtay ayaa waxaa dusha u ridatey kooxda ‘Patriotic Arab Democratic Movement oo ah koox gooni u goosad ah oo reer Ahwaz ah, waxay Iiraan ku eedaysay Saudi Arabia.
Hadalsame Media