Arag afar gabdhood oo caseeyayaal ah oo hab-howleed cajiib ah soo kordhiyay!

0

(Muqdisho) 23 Sebt 2018 – Waa afar gabdhood oo da’doodu ay aad isugu dhow dahay waxaan go’aansadey inta dhulka u Fariisto aan la sheekeysto waxaan weydiiyey Su’aal ahayd Magaalada ma Joogteen maadaama ay saakey igu cusbaayeenn ?

Mid baa markiiba la soo boodey “adeer magaalada Marka ka soo qaxney gaar ahaan Xaafadda Ceel Bashiirow.” Waan gartey, waxaa u sii raaciyey midba maxuu si gaar ah ugu qaraaban waayey? Calashaan shaqada baalashnimada waa adinka afar iskula socda? “ Adeerow yaakheey magaaladaan miyaa keli keli la socdaa calaa kulli xaal waa is weheshanna.” ayay yiraahdeen.

Afartood waxa ka dhaxeeye hal baalashle waxaan sidaa u sameeyeen in aan dadka howsha u dedejiyaan, sidaa darteed midba howl gaar ah ayay qabaneysaa, tusaale haddii hal joog oo kabaha ah la helo laba ka mid min hal kab bay caseynayaan, labada kalena waxay u taagan yihiin in ay kabaha dhalaaliyaan, waxaa ka sii yaab badan mid baa lacagta u arurineysa ka dibna casirkii bay qabsanayaan

Inkastoo aysan howshaan gabar intaa le’eg ku wanaagsaneyn haddana danta ayaa ku kalliftey in ay sidaa ku shaqeystaan maadaama ay ka soo barakaceen deegaankoodii ayna yimaadeen deegaan aysan aqoon sidaa darteed Soomaalidu waxay tiraahdaa “Hadba sida ay dantu kuu qabto ayaa loo howlgalaa.”

Ilaahow Danyar iyo Dacasley u kaalmeey!

Sawiirka: Cabdirisaaq Salaad

Waxaa Diyaariyay: Amiin Yuusuf Khasaaro

Hadalsame Media