XOG: Yaa Soomaaliya ku matalaya shirka guud ee Qaramada Midoobay?

0

(Muqdisho) 22 Sebt 2018 – Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa hoggaamin doona wufuuda Soomaaliya ee la filayo inay ka qeybgalaan shirka guud ee Qaramada Midoobay kaasoo ka dhici doona Magaaladda New York ee dalka Maraykanka.

Shirka Qaramada Midoobay ayaa dhici doona 25 bishaan iyadoona la filayay in Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka qeybgalo shirkaasi hase ahaate waxaa muuqata in Madaxwaynuhu ka baaqsaday shirka.

Sababta baaqashada Madaxwaynaha ayaa loo maleynayaa inay xiriir la leedahay arrimaha Siyaasadda gudaha dalka oo baryahaan aan fadhin.

Qoraalka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaana lagu muujiyay in Wasiirka arrimaha dibedda uu hoggaamin doono wafdiga Soomaaliya isagoo matalata Madaxwayne Farmaajo.

“Ministry of Foreign Affairs ??‏Verified account @MofaSomalia 4h4 hours ago

Minister Ahmed Isse Awad leaves for #NewYork to lead the Somali delegation for #UNGA. Hon. Awad would deliver keynote address on behalf of the H.E. President @M_Farmaajo at the UN General Assembly. #Somalia #Somali #UNGA2018″

Hadalsame Media