Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose

0

(Muqdisho) 22 Sebt 2018 – Dagaalka culus ayaa xalay ka dhacay degmada Qooryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxaana jira warar dheeraad ah oo laga halayo khasaaraha ka dhashay dalkaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerar culus oo kaga yimid maleeshiyada Al-Shabaab waxaana la sheegayaa in ugu yaraan sadex ruux ku dhinteen dagaalkaasi, waxaana dadka dhintay ka tirsanayaayeen labada dhinac ee dagaalamay.

Saraakiisha ciimada xooga dalka ee ku sugan Qoryooley ayaa sheegay inay jab xoogan gaarsiiyeen meeshiyaadkii weerarka soo qaaday, hase ahaatee ururka Al-Shabaaba ayaa dhinacooda guula ka sheegtay dagaalkaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal ka dhaco degmada Qoryooley, hase ahaatee waxaa sii kordhaya cadaadiska Ururka Al-Shabaab ku hayaan deegaanada gobolka Shabeellada Hoose.

Hadalsame Media