(Missouri) 22 Sebt 2018 – Donald Trump ayaa ku hanjabey inuu tarriifo dheeraad ah kusoo rogayo badeecadaha kasoo dega dalka Shiinaha, haddii ay Beijing ku dhiirratto inay soo rogto tarriifo middi middi ku taag ah, kaddib markii ay Maraykanku horay u bartilmaameedsadeen badeecooyin ku kacaya ilaa $200 bilyan oo doollar oo ay Shiinuhu usoo dhoofiyaan Maraykanka.
Trump ayaa u digey Shiinaha oo ah dalka 2-aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida, inuu laba jeer ka fikiro inuu dagaal ganacsi oo furan la galo Maraykanka, isagoo ku gooddiyay in sida uu yiri uu Maraykanku “haysto rasaas dheeraad ah.”
“Waxaan diiradda saaraynaa badeeco ku kacaysa $200 bilyan oo doollar oo Shiinaha ka timaada, oo aannu saarayno tarriifo gaaraysa 25%. Waxaana soo rogaynaa mid kale haddii ay naga aarsadaan. Wax kaloo badan baan haynaa,” ayuu yiri Trump oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay gobolka Missouri oo uu ugu ololeeynayaymusharraxa Senet-ka ee dhanka Jamhuuriga Josh Hawley.

Shiinaha ayaa qorshaynaya inay badeecooyinka Maraykanka kusoo rogaan tarriifo saamaynaysa badeeco ku kacaysa $60 bilyan oo Maraykanka ka timaada, taasoo dhaqan geleysa bishan Sebtember 24-keeda.
Hadalsame Media