(Madrid) 22 Sebt 2018 – Warsidaha Spanish-ka ah ee Marca claims ayaa ku doodaya in ay UEFA si gaar ah u “bartilmaameedsato” Cristiano Ronaldo tan iyo markii uu ku biiray Juventus, sida uu dareensan yahay wakiilkiisu.
Xiriirka laacibkan iyo UEFA ayaa kasii darayay tan iyo markii uu laacibkani xagaagii ka dhaqaajiyay kooxda Real Madrid.
Kama uusan qayb gelin munaasabaddii isku aadka Champions League, kaddib markii lala dhaafay laacibkii fasal-ciyaareedka oo la siiyay Luka Modric.
Ronaldo ayaa deeto rooso loo taagey kulankii ugu horreeyay ee uu Champions League u safto kooxda Juventus, oo 2-0 uga badisay Valencia, kaddib markii uu timaha ka taabtay Jeison Murillo.
Haatan, warsidaha Marca, ayaa qoraya in Ronaldo iyo wakiilkiisuba ay aaminsan yihiin in laacibka “ay bartilmaameedsanayso” UEFA ayna weliba ka baqayaan in roosahaa jilacsan ganaax loogu daro.
Tan ayaa ka tarjumaysa war ay qoreen Tuttosport iyo Corriere dello Sport oo kaddib roosihii Valencia qoray in Ronaldo uusan haysan ”ilaalintii” Real Madrid oo ay garsoorayaashu si xun ula dhaqmayaan, taasoo dilaysa isku hallaynta garsoorka UEFA.
Hadalsame Media