(Lake Victoria) 22 Sebt 2018 – Dhimashada ayaa gaartay in ka badan 136 qof sida ay sheegeen saraakiisha Booliska Tansaaniya. Waxay ka dambeysay kadib markii doon ay saarnaayeen badan ay ku degtay Haradda Lake Victoria taasoo ku taal goob Jaziirad ah.
Doonta waxa lagu magacaabaa MV Nyerere waxaana loogu talagalay in markiiba ay xambaarto dad gaaraya 101 ruux, laakin waxaa la aamisanyahay inay saarnaayeen dad ka badan 136 qof.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in sidoo kale doontaani ay saarnaayeen waxyaabo xamuul ah oo ay ku jireen Muus, Galeey iyo Shamiito.
Khamiistii ayuu ka dhacay shilkani.
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhacdadii ay dadka badan ku dhinteen ee dalka Tanzania, ayaa ka tacsiyeeysay dhimashada Doontii degtay.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania kadib markii doonida magaceedu yahay MV Nyerere ku degtay harada Victoria khamiistii iyadoo siday boqolaal rakaab ah”
”Fekerkayaga iyo garab-galkeena waa mid la socda qoysaska iyo shakhsiyaadka dhacdadan naxdinta leh ay ku yeelatay saameyn”
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si hubaal leh u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Tanzania waqtigan adag ee xaaladda la soo gudboonaatay”
Hadalsame Media