(Torino) 22 Sebt 2018 – Ninka qora taariikh nololeedka Cristiano Ronaldo, Guillem Balague, ayaa sheegay in laacibkani uu “kalgacayl badan oo shuruud la’aan ah” ka heli doono kooxda Juventus.
Laacibka haysta Ballon d’Or ayaa aad uga murugoodey roosihii loo taagey kulan-bilowgii Champions League ee fasalkan ee ay 2-0 ugasoo badiyeen Valencia, isagoo ooyin la dhacay.
Yeelkeede, waxaa garab istaagey laacibiinta, macallinka, taageerayaasha iyo xitaa madaxwayne Andrea Agnelli – oo soo isagu soo tweet gareeyay sawirka Ronaldo oo ay istaajinayaan laacibiinta Juve isagoo ku qoray kabshan u akhrismaya waxaan nahay ul iyo diir: ‘One for all and all for one’ – Taasoo ka yaabisay.
Khabiirka kubadda Spanish-ka, Balague, ayaa ka hadlay waxa ay la tahay inayba laacibka markii horaba ku riixday inuu ku biiro kooxda Juventus.
“Maxay dadka waawayni si ba’an u raadiyaan? Waa KALGACAL, sida cad aabbihii ma garab taagnayn markii uu barbaarayay, had iyo goorma wuxuu raadiyaa qof aabbe oo kale ah, min Sir Alex Ferguson ilaa wakiilka Jorge Mendes.
“Talyaaniga, wuxuu ka helay kalgacal diirran oo u buuxiyay godkaa dareenkiisa ka qodan. Wuxuu had iyo jeer raadin jirey jacayl badan oo bilaa shuruud ah. Madrid, Florentino Perez wuu ka xaqiray middaas, balse wuxuu haatan ka helay Juve.” ayuu yiri Balague.
Unus pro omnibus, omnes pro uno pic.twitter.com/t90ccl1P7a
— Andrea Agnelli (@andagn) September 20, 2018
Hadalsame Media